Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay Ciidamo la soo dhigay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan

Cabirka Farta

Axad, October 19, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa wuxuu ka warbixiyay ciidamo la soo dejiyay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, kuwaasi oo dadka deegaannadaas ku dhaqan ay dhibaatooyin ka sheeganayaan.

Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamadaas ay yihiin kuwo ka hor-tegaya Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo dhowr jeer weerarro ku qaaday fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ku leeyihiin qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas yihiin kuwo ay Dowladda ka war-qabto.

Mar wax laga weydiiyay C/llaahi Xasan Bariise eedeyn loo jeedinayo Ciidamada ay dejiyeen qeybo ka mid ah Degmada Hodan, taasi oo ah in ay Dadka iyo guryaha baartaan, wuxuuna carrabaka ku dhuftay in aysan eedeyntaas jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas yihiin kuwo lala socdo dhaqdhaqaaqyadooda.

Sidoo kalena waxaa wax laga weydiiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska in ay Ciidamadaas keeneen barakac hor leh iyo goobo waxbarasho oo albaabada loo laabay, kuwaasi oo ku yaalay Xaafadaha Taleex, Zone K iyo nawaaxiga Isgoyska KM4, wuxuuna sheegay in ay dadka iyo mas’uuliyiinta goobaha waxbarashada ay u sheegeen in aysan barakicin, isla markaana ay deganaadaan xaafadahooda.

Ciidamadan ayaa waxaa la soo dejiyay Xaafadaha ka midka ah Degmada Hodan kadib markii Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay dhowr weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Dowladda ku sugan yihiin oo ku yaala Degmada Hodan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia