Waxgaradka iyo Maamulka Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan oo ka cabanaya Biyo la'aan soo food saartay

Cabirka Farta

Axad, October 19, 2008(HOL): Waxgaradka iyo Maamulka Deegaanka Halgan (Ex-41) oo la soo xariiray HOL ayaa waxaa ay sheegeen in Biyo la'aan daran soo food saartay Dadka ku dhaqan Deegaanka Halgan oo qiyaastii 75-km dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Beledweyne kadib markii sida Odayaashu ay sheegeen uu jabay Ceelkii Dadku ka cabi jiray.
 
Max'ed Guure Xeynoof oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Halgan ayaa sheegay in Ceelku ahaa kan kaliya oo ay ku tiirsanaayeen dad ka badan 3000 oo ruux, isagoo intaas ku daray in waqtigan la joogo dadka ku nool Halgan iyo Tuulooyinka ku dhaw dhaw yihiin kuwo haraadsan oo aan heli karin Biyo ku filan.

Max'ed Guure ayaa intaa ku sii daray in Ceelka oo la dhisay Sanadii 1955-kii uusan helin wixii xiligaas ka dambeeyay tayactir micno leh marka laga soo tago Dadka Deegaanka oo mar marka qaar dib u habeyn ku sameyn jiray, waana tan keentay ayuu sii raaciyay hadalkiisa in Ceelku jabo.
 
''Hadii ay ahaan lahaayeen Maamulka Maxkamadaha gacanta ku haya Gobalka Hiiraan iyo Waxgaradka deegaanka intaba waxaa si wada jir ah u codsaneynaa in dib loo hagaajiyo Ceelka, gaar ahaa waxaan codsigaa u direynaa Hay'addaha Samafalka iyo weliba Jaaliyadaha dibadda'' ayuu yiri Max'ed Guure Xeynoof oo dhinaca kale sheegay in haddii aan wax laga qaban arintaas xaalku nololeed ee dad badani khatar gaari doono.
 
Deegaanka Halgan ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa si weyn u gaaray Dadkii ka barakacay Xaaladaha Colaadda iyo Abaartii ku dhufatay meelaha qaar Gobalka Hiiraan kuwaasoo ka dhigay mid cabiran, waxaana xusid mudan in Halgan caan ku tahay Ganacsiga Maalinta Jimacaha oo kaliya, waxaana maalintaas isku arka dad kala duwan oo ka kala yimid qeybaha Gobalku ka kooban yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia