![]() |
| Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) |
Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sheegay in Maraakiibta ay NATO u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwo ogolaasho ka heysta UN-ka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowlad ahaan horay u codsadeen in Xeebaha Soomaaliya loo soo diro Ciidamo Caalami ah oo la dagaallama Kooxaha Burcad Badeedka.
“Aad iyo aad ayaan u soo dhaweyneynaa Ciidamada iyo Maraakiibta ay NATO u soo direyso Xeebaha Soomaaliya, waana uga mahadcelineynaa arrintaas”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nur Cadde.
Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay Kooxaha Burcad Badeedka dhibaato ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa wada gargaarka Bani’aadannimada ee isaga kala goosha Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in tan iyo markii ay Burcad Badeedka ka dilaaceen Xeebaha Soomaaliya ay adkaatay nolosha dadka Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ku tiirsan gargaarka Bani’aadannimada iyo kuwa ku tiirsan Raashinka ganacsiga ku yimaada.
Hadalka uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu Nairobi ka sheegay in Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwo sharci darro ah oo aan ku imaanin ogolaashada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Kama soo horjeedno Maraakiibta iyo Ciidamada ay leeyihiin Mareykanka, Ruushka iyo Ciidamo-ku-sheeg-ga NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya balse waxa aan ku heysanno ayaa waxay tahay in aysan ogolaasho ka heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Prof. Dalxa.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in ilaalinta Xeebaha Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in haddii wax laga qabanayo Burcad Badeedka in ay tahay in Dowladda lagu gacan-siiyo sidii ay Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya u sameysan lahayd.
“Lama garanayo inta ay Ciidamadan joogayaan Xeebaha Soomaaliya iyo waxa ay sameynayaan, waxay ku lug yeelan karaan kalluumeysi sharci darro ah, marka waa in ay nala tashadaan inta aysan bilaabin howlgalka ilaalinta Xeebaha Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo aad u hubeysan ayaa waxay noqdeen kuwa ugu khatarsan dunida, waxaana lagu heystaa haatan Maraakiib dhowr ah oo uu ku jiro mid laga leeyahay Dalka Ukraine, kaasi oo la sheegay in uu hub u waday Dowladda Kenya, iyadoo ay xusid mudan tahay in markabkaas ay ku hareereysan yihiin Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Ruushka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
