Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Cabirka Farta

Axad, October 19, 2008(HOL): Dagaal xooggan ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel-doon oo dhowr iyo toban Km Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay.

Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, wuxuuna saameyn ku yeeshay dadkii ku noolaa halka uu dagaalka ka dhacay.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sheegtay in uu dagaalkan qaaday ayaa wuxuu sheegay in ay khasaare xooggan u geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana ay hub fara badan ka fureen.

Laakin Saraakiil u hadlay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in aaney jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalkaas marka laga reebo hal askari oo dagaalka uga dhintay.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay Cabdi Macallin ayaa sheegay in ay dagaalkaas qaadeen Ciidamadooda, isagoo sababta ay u qaadeen dagaalkaasna ku macneeyay in ay ka war heleen weerarro ku soo wajahnaa magaalada Baydhabo.

Taliyaha waxaa uu intaas ku daray in ay dib u riixeen Xoogaggii doonayay in ay soo weeraraan Magaalada Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadooda ku sugan yihiin goobihii uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemay magaalada Baydhabo oo ay soo gaareen dad ka soo firxaday dagaalladaas, kuwaasi oo uu sheegay in deegaannadii ay ku noolaayeen ay ka joogi waayeen madaafiic iyo rasaas ay dhinacyada dagaallamay isu adeegsanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia