Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WFP oo lagu dilay Marka

Cabirka Farta

Jimco, October 17, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in gudaha degmadaas lagu dilay Sarkaal sare oo u shaqeynayay Hay’adda WFP, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/naasir Macallin Aadan.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay sarkaalka ku dileen meel u dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Shiikh Abroone ee Magaalada Marka, iyadoo la sheegay in marxuumka xiliga la dilayay uu ka soo baxay Masjid uu Salaaddii Maqrib ku soo tukaday.

Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Marka oo dilka marxuumka ka xumaaday ayaa waxay tageen Isbitaalka guud ee Marka oo marxuumka dhaawac ahaan loo geeyay balse uu  ku geeriyooday.

Dilka sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor gudaha Degmada lagu weeraray Saraakiil u shaqeynayay Hay’adda Water For Life (WFL), kuwaasi oo ka badbaaday dil iyo af-duub wixii loo geysan lahaa.

Ka sii horna waxaa meel u dhaxeysa Deegaanka Shalaambood iyo Degmada Marka qarax Miino lagula beegsaday Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, iyadoo sarkaalkaas oo Ajnabi ahaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxaas.

Falalkan ka dhacay Degmada Marka iyo nawaaxigeeda ayaa waxay iftiiminayaan in aanu hagaagsaneyn ammaanka Magaaladaas, waxaana falalkan amni darrada ah walaac ka muujinaya dadka degmadaas ku dhaqan oo u badan kuwo nabadeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia