Markab Sida Af-duubayaashii Markabkii Waa’il oo la keenay Dekadda Boosaaso

Cabirka Farta

Jimco, October 17, 2008(HOL): Waxaa Maanta Dekadda Magaalada Boosaaso ku soo xirtay Markab Nooca  Dagaalka ah, kaasi oo waday af-duubayaashii Markabkii Shirkadda Barwaqo oo ay Galbinayaan Ciidamada Badda ee Puntland.

Afduubayaasha la soo qabtay oo toban gaarayay ayaa la geeyay Xarunta Ciidamada Sirdoonka Puntland ee P.I.Sta loo yaqaano si amaankooda loo sugo, waxaana qaarkooda ka muuqday dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray Dagaalkii ay la galeen Ciidamada Badda ee Puntland.

Markabkan siday Maxaabiista ayaa ay janbigiisa ka Muuqdaan BurBur ka dhashay Rasaastii ay Burcaddu adeegsadeen, xilligii gacanta lagu soo dhigay Burcaddan .

Taliyaha Ciidamada Badda ee Puntland oo Saxaafada kula hadlay afka hore ee Dekadda Boosaaso ayaa sheegay in ay ku soo guulaysteen hawlgalka kadib labo maalmood oo ay Indhaha iska dayayeen Burcadda  iyo Ciidamada.

In ka Badan Boqolaal qof oo ka mid ah Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa maanta dekadda isugu soo xoomay si ay u arkaan wajiyada Maxaabiista, balse waxaa xiligaas aad loo adkeeyay amniga Dekadda.

Saraakishii ku soo guulaysatay gacan ku soo dhigidda Afduubayaasha ayaa maanta lagu dalacsiiyay Gudaha Dekadda Magaalada Boosaaso, iyadoo loogu hambalyeeyay Shaqada ay qabteen. Isku soo wada duuboo tallaabadan ay Ciidamada Puntland ku soo qabteen Maxaaabiista ayaa hakin doonta af-duuyo hor leh oo ka dhici lahaa xeebaha Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaao, Somalia