Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagga ka soo horjeeda oo guulo ka kala sheegtay dagaallo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, October 17, 2008(HOL): Afhayeenno u kala hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka iyo Xoogagga Jabhul Islaamiya ayaa waxay kala sheegteen guulo ay ka gaareen dagaal shalay ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamed Xirsi oo ah Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in xoogag weerar ku soo qaaday fariisimo ay Ciidamadooda ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xaruntii Shiirkole ay ka dileen 9 dagaalyahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay meydadkooda yaalliin halkii ay ku dileen.

Laakin waxaa hadalkaas beeniyay Afhayeen u hadlay Jabhul Islaamiya oo lagu magacaabo Farxaan Ciil-Mooge ayaa sheegay in aaney jirin wax dagaalyahanno ah oo laga dilay, wuxuuna sheegay in ninka u hadlay Ciidamada Dowladda uu yahay mid qarinaya jab soo gaaray, wuxuuna intaas ku daray inay la wareegeen gacan ku heynta fariisimo ay Ciidamada Dowladda horay ugu sugnaayeen.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ahaa mid aad u xooggan.

Inta badan dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadla Afhayeenno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Xooggaga ka soo horjeeda, waxayna labada dhinacba sheegaan in ay guulo ka soo hooyeen dagaallo ay la galeen dhinac kale ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia