Jimco, October 17, 2008(HOL): 25-26-ka Bishan ayaa waxaa mar kale dalka Jibouti ku kulmaya Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo qaabilsan Ammaanka iyo Siyaasadda Soomaaliya.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sheegay in guddiyadaas marka ay Jibouti isugu yimaadaan ay sii amba qaadi doonaan wada hadallo u socday oo ku saabsan Ammaanka iyo Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in kulankan ay miro wanaagsan ka soo bixi doonaan.
Ould-Abdallah ayaa wuxuu hoggaaminayaa wada hadallo labada dhinac u socda, kuwaasi oo soo bilowday bishii June ee sanadkan 2008, iyadoo wada hadalladaasina ay yihiin kuwo la doonayo in xabadda iyo colaadaha laga joojiyo Soomaaliya, kadibna Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya.
Guddiyadan shirka isugu imaanaya ayaa waxay bishii hore ku kala tageen wada hadallo uga socday Jibouti kadib markii ay isku mari waayeen qodobo ammaanka iyo siyaasadda ku saabsan oo ay ku jireen in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan goobaha ay dadka rayidka ah deganaayeen, in Xoogagga Isbaheysiga loo sameeyo fariisimo u gaar ah oo lagu ogyahay iyo qodobo kale oo xasaasi ahaa, waxayna labada dhinac u baahdeen in ay meel-marinta qodobadaas ka soo fekeraan kadib markii la isku mari waayay.
Guddiyada labada dhinac waxay haatan ku maqan yihiin Dalka Koofur Afrika, halkaasi oo uu uga socdo Seminaar ku saabsan xalinta mushkiladaha, iyadoo seminaarkaasina ay casharo ka dhigayaan khubarro ka socda Dalal sida Soomaaliya oo kale uu Qaran-jab ku dhacay, dabadeedna galay dagaallo iyo nabad la’aan.
Ugu dambeyntiina, Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay dhowrayaan natiijo ka soo baxda Wada hadallada Jibouti oo xal u noqda mushkiladda nabad iyo nolol la’aaneed ee ka taagan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia