Jimco, October 17, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Meles Zenawi oo shalay la hadlayay xubnaha baarlamaanka dalkiisa ayaa wuxuu diiday in uu waqti u qabto goorta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Dalka Soomaaliya.
Meles Zenawi oo ay Xildhibaannada Xisbiyada Mucaaradka weydiiyeen goorta uu Ciidamada Itoobiya ka soo saarayo Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uusan waqti cayiman u qabaneynin, “idinma dhahayo Isniinta, Talaadada ama Khamiista ayay Ciidamada Itoobiya ka soo baxayaan, waxayna u baahan tahay ciidamo-ka-soo-saarista Soomaaliya waqti iyo in laga fekero”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka sii hadlayay Ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in marka la helo ciidamo ka socda Caalamka oo bedela ay Soomaaliya ka bixi doonaan, inkastoo uu beesha caalamka ku eedeeyay in aysan wax ka qaban amni la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Meles Zenawi waxaa uu sheegay in markii ay soo gelayeen Soomaaliya ay u soo galeen arrimo ku saabsan ammaanka Qarankooda, hadda marka ay ka baxayaan-na waxaa uu sheegay in ay arrintaas ka fiirsanayaan, wuxuuna ku cel celiyay in uusan dooneyn in uu arrintaas waqti u qabto.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan oo kadibna ay awoodda dalka la wareegaan xoogagga Al-Shabaab ay ku soo noqon doonaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay taasi u yeelayaan Ammaankooda.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya sheegay in Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ee ay Ciidamadiisa taageeraan ay horumar ka sameyn weysay sabab la xiriirta hoggaanka dowladda oo aan hagaagsaneyn, wuxuuna sheegay in madaxda sare ee Dowladda ay yihiin kuwo iyaga uun is-eeganaya oo aan rabin in ay wax qabtaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia