Isniin, October 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta uu dagaal xooggan ku dhexmaray duleedka Degmadaas Ciidamo Itoobiyaan iyo Xoogag hubeysan oo jidka u galay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ay jidka u galeen Xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya iyo siyaasadda Dowladda Federaalka.
Dad ku sugan degmada Berdaale oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegeen in dagaalkaas oo ahaa mid xooganaa uu geystay khasaare labada dhinac ah, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay sheegaan inta uu la egyahay baaxadda khasaaraha ay labada dhinac isu geysteen.
Xaaladda Degmada Berdaale ayaa haatan kacsan, waxayna dadka degmadaas ku dhaqan ka baqayaan in ay dhinacyada dagaallamaya dirirtooda la soo galaan Magaalada, kadibna ay sidaas dhibaato ku soo gaarto.
Degmada Berdaale ayaa waxay noqotay marin ay sii maraan Ciidamada Itoobiya marka ay u socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyo marka ay dalkooda ku noqonayaan, waxayna taasi keentay in uu maanta markii seddexaad duleedka Degmadaas ka dhaco Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Itoobiyaan iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia