Isniin, October 13, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaallo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee caawinaya oo isku dhinac ah iyo xogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.
Dagaal labo jeer ka dhacay Xaafadda Taleex iyo Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas uu geystay dhimashada shan Ruux oo ay ku jireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo dhaawac 10 ruux ka badan.
Dagaal kale oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaal ku qaadeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay ku dileen 7 Askari, sidoo kalena ay khasaarooyin kale u geysteen, wuxuuna caddeeyay in sababta ay weerarkaas u qaadeen ay ahayd iyadoo Ciidamadaas ay ka soo baxeen Warshadda Baastada iyo Warshadda Xeyla Bariise, isla markaana ay gudaha u galeen Xaafado ay dad shacab ah degan yihiin.
Dhinacooda waxaa uu sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo dagaalka ka soo gaaray, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dagaalka ku qaadeen qaabka xirfadeysan oo ay Ciidamadooda ku badbaadeen.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo labo sano ka badan waxaa ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee caawinaya iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, ilaa iyo haatanna ma muuqato rajo ay dagaalladaas ku istaagayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia