Jaaliyadda Hiiraan ee Switzerland oo cambaareysay Dadkii ka dambeeyay dilkii Nabadoon Dacar Xirsi Cooshow

Cabirka Farta
Isniin, October 13, 2008(HOL):  Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa qoraal ay soo gaarsiiyeen HOL waxaa ay si kulul ugu canbaareeyeen dalkii foosha xumaa ee 7-bishan aynu ku jirno kooxo hubeysan u geysteen Alle ha u naxaariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Odayaasha Gobalka Hiiraan.
 
Jaaliyadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dilka Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow uu xanbaarsan yahay ujeedo ka duwan sida dad badani u heysto'' Falka lagu toogtay Nabadoon Dacar waa mid muujinaya dagaalka lagula jiro dadka Bulshada Idhaha u ah” ayaa lagu yiri  qoraalka oo sidoo kale lagu sheegay in ay jiraan kooxo sida hadalka loo dhigay diidan daha reer Hiiraan isla markaana iyagu ka danbeeya dilalka iyo falalka lagu u gaarsanayo dadka hogaanku u ah shacabka.
 
Eng. C/casiis Axmed iyo Nabadoon Axmed Shuuriye Yuusuf (Duuliye Sare) oo ku saxiiixnaa Qoraalka la soo gaarsiiyay HOL ayaa ku wargaliyay Golaha Odayaasha Dhaqanka ee uu ka tagay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow in aysan baneynin kaalintii uu hayay Nabadoonka, " Runtii waa in la sii wadaa  halgankii ku dhisnaa samata bixinta Bulshada reer Hiiraan ee Nabadoon Dacar”ayaa lagu yiri qoraalka ay ku saxiixnaayeen Aqoonyahannadaas oo ka codsaday Mas'uuliyiinta Maxkamadaha gacanta ku haya Gobalka Hiiraan gaar ahaan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow in uu dabagal ku sameeyo dadkii ka danbeeyay dalkaasi.
 
Dhinaca kale Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa ugu deeqday Qoyskii uu ka baxay Nabadoonka lacag dhan ilaa ($ 1700 Doollar), waxayna Allaah ugu baryeen Nabadoonka iyo uu Janadii ka waraabiyo.
 
Sidoo kale dilkii maalmo ka hor loo geystay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow ayaa waxaa Canbaareeyay Ururadda Xuquuqda Aadanaha ee ka howl-gala Gobalka HIiraan kuwaas oo sheegay in falkaasi ahaa mid xad-gudub ku ah Diinta Islaamka, Shuruucda Caalamiga ah ee la isla aqoonsan yahay  ah iyo waliba Dhaqanka Soomaalida, waxaana ay codsadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qaabkii uu dalkaasi u dhacay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia