Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qul-qulaya magaalada Nairobi

Cabirka Farta

Isniin, October 13, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku sii qul-qulayaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, halkaasi oo dabayaaqada bishan uu ka dhacayo shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
 
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka amba baxay Xildhibaano uu horkacayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe, iyadoo horayna ay magaalada Nairobi  u sii joogeen Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Saakayna wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ay socoto qabanqaabo Xildhibaano kale loogu qaadayo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xildhibaanadan ayaa waxay magaalada Nairobi ku tegayaan Martiqaad ay ka heleen Urur Goboleedka IGAD oo diyaarinaya qorshe wax looga bedelayo Siyaasadda iyo Ammaanka Soomaaliya.
 
Inkastoo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaabsanayaan waxa uu ku saabsan yahay Shirka Nairobi, hadana waxaa jira warar sheegaya in wax looga bedelayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda uu sii dhamaanayo, waxayna wararku sheegayaan in Shirkan uu heysto taageero caalami ah.
 
Dowladdii TNG-da ee sanadkii 2000 lagu soo dhisay Jibouti ayaa waxaa lagu bedelay Shir lagu qabtay Kenya, kaasi oo ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta, waxaana muuqanaya ifafaale la mid ah midkii lagu bedelay Dowladdii TNG-da ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia