Maamulka Degmada Yaaqshiid oo sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay dhac ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmadaas

Cabirka Farta

Isniin, October 13, 2008(HOL): Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka hadlay cabasho dhawaanahan ka soo baxeysay dad ku dhaqan xaafado ka tirsan  degmadaas kuwaasi oo ka cabanayay ciidamo ka amar qaata Dowlada Federaalka oo dhac iyo dhibaatooyin kale u geysta.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay dhac u geysteen dad ku dhaqan Siliga Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, wuxuuna sheegay  in qaar ka mid ah ciidamadaas gacan lagu soo dhigay.

“Iyadoo ay Ciidamadaas dhac ka geysanayeen gudaha Xaafadda Towfiiq ayaa waxaa na soo wargeliyay dadka deegaanka, kadibna Ciidamo ayaan u dirnay, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Ciidamadii wax dhacayay”ayuu yiri Muxyaddiin Xasan Jurus oo sheegay in Ciidamadaas wax dhacayay oo ay hubkii iyo dharkii Ciidamada ka dhigeen ay sharciga hor-keeni doonaan.

Dadka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa in muddo ah waxay ka cabanayeen ciidamo dhac u geysta, mararka qaarkoodna bililiqeysta guryaha ay dadka ka barakaceen ee ku yaala Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid  oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheega in Ciidamo ka tirsan Dowladda oo dadka dhacayay ay soo qabteen, tallaabo sharci ahna ay ka qaadayaan.

Qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay falal sharci darro ah oo isugu jira dil, dhac iyo bililiqo ay ka geystaan meelaha ay ku sugan yihiin, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax tallaabo ah oo ay arrintaas ka qaadeen Talisyada ay Ciidamadaas ka tirsan yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia