Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, November 09, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa geeriyootay in ka badan 30 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal xooggan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay u badan yihiin dad rayid ah oo ay guryahooda iyo goobahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah, waxayna dadkaas isugu jiraan da’aad kala duwan.

Sida ay xaqiijiyeen  howl-wadeennada Isbitaalka Madiina waxaa isbitaalkaas la gaarsiiyay 31 ruux oo labo ka mid ah ay gudaha Isbitaalka ku dhinteen intii gurmadka caafimaad loo sameynayay, iyadoo dadkaas dhaawacyada ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Howl-wadeenno Caafimaad oo iyana ku sugan Isbitaalka Dayniile ayaa waxay sheegeen in Isbitaalkaas la gaarsiiyay dad toban ruux ka badan, kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaalladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa madaafiic habow ah ay dad ku dhaawaceen goobo ka fog halka ay dagaallada ka dhacayeen, waxaana ka mid ah meelaha ay madaafiicda ku dhaceen Dekedda Muqdisho oo ay gudaheeda labo ruux  ku dhaawacmeen, Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo uu qof ku dhaawacmay iyo Xaafada Baar Ubax oo madfac ku dhacay uu isna geystay khasaare dhaawac ah.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa jiray saameyn uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, waxaana taas ugu wacan iyadoo ay dagaallada aawgood u xirantay  Wadada Wadnaha oo  Koofur ka marta Suuqa Bakaaraha, taasi oo ay soo galaan Waddooyin ka yimaada Wadada Makka Al-Mukarrama.

Dagaalladan oo aaney jirin cid weli sheegatay ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay afar maalmood ka soo wareegatay waqtigii ay dhaqangal noqon lahayd xabad-joojin ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia