Axad, November 09, 2008(HOL): Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan oo maalmihii ugu dambeeyay uu soo kala dhexgalay khilaaf gaaray heerkiisii ugu sareeyay ayaa hadda u muuqda kuwo meesha ka saaray madmadowgii horay u soo kala dhaxgalay.
Kulan Saacado badan qaatay ayaa Hotelka Madiina ee Magaalada Beledweyne waxaa ku yeeshay dhamaan Saraakiisha Maxkamadaha Gobalka Hiiiraan iyo Col. Cumar Xaanshi Aadan oo Xog-hayaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga dib u Xoreynta, waxaana kulankaasi intiisa badan lagu faaqiday sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya dhinacyada Maxkamadaha ee kuwa sugan Gobalka Hiiraan.
Saraakiishii ka qeyb-gashay kulanka oo qaarkood ay la hadashay HOL ayaa waxaa sheegeen in wixii hadda ka dambeeyay uusan jirin khilaaf u dhaxeeya dhinacyada Maxkamadaha isla markaana meel looga soo wada jeesan doono sidii looga shaqeyn lahaa Nabadda, waxaana ay intaas ku dareen Saraakiishu in markii horeba arrimuhu ahaayeen aragtiyo lagu kala duwanaa laakiin uusan jirin khilaaf heer sare gaaray.
Col. Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wada dadaalo uu ku doonayo sidii meel leysugu keeni lahaa dhinacyada Maxkamadaha Gobalka Hiiraan oo maalmihii ugu danbeeyay khilaafkoodu gaaray mid sababay in xitaa la sii daayo inta badan Maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Magaalada.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Guddi loo saaray xalinta khilaafka Maxkamadaha Gobalka ay soo saareen 10 qodob oo aas aas u ah soo af-jaridda farqiga u dhaxeeya Saraakiisha Maxkamadaha, waxaana qodobadaas u aqriyay Saxaafadda Shiikh Aadan C/llaahi Salaad oo ah Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka Maxkamadaha, waxaana qodobada ay soo saareen Guddiga ka mid ah.
1- In meel loga soo wada jeesto ka shaqeynta Nabada, meelna layska dhigo dhamaan wixii khilaaf ah ee jira.
2- In Saraakiisha Maxkamaduhu joojiyaan adeegsiga Warbaahinta iyadoo la tabinayo hadallo iska horimaanaya.
3- In Mas'uul kasta oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha loo Madax banaaneeyo howsha uu Mas'uulka ka yahay.
4- In hubka gacanta ugu jira dhinacyada Ciidamada lagu wareejiyo gacan u qalanta oo lagu macneeyay dadkii ka soo qeyb qaatay howlaha Jihaadka.
5- In baraha ay joogaan Ciidamada Maxkamadaha la geeyo rag ku taagan hirgalinta Shareecada Islaamka isla markaana ay ka dhab tahay howlaha ay hayaan.
6- In mudo bil gudhood ah lagu soo dhiso Maamulka Gobolka, laguna saleeyo dhismaha maamulkaasi Shareecada Islaamka.
7- In sida ugu dhaqsiyaha badan loo baadi goobo Maxkamadna loo horkeeno dadkii ka danbeeyay sii deynta Maxaabiistii ku jirtay Xabsiga magaalada oo ay ka mid ahaayeen gacan-ku-dhiiglayaal dil ku xukunaa.
8- In aan la ogolaan doonin Saraakiishu in ay fara galiyaan howlaha u gaarka ah Mas'uuliyiinta sar sare ee Maxkamadaha si aysan u lumin kala danbeyta.
9- In wixii raqi ah ee jira mar walba loo celiyo Kitaabka Alle si loo helo kuna Caadil ah.
10- Ugu danbeytii in la hergaliyo qodobadaa marka lagu faafiyo Warbaahinta.
Waxaa si weyn u soo dhaweeyay qodobadaas ay soo saareen Guddigii loo saaray xalinta Khilaafka Maxkamadaha Gobalka Hiiraan dhamaan Saraakiisha Maxkamadaha oo iyagu sheegay in ay raali ka yihiin go'aamada la soo saaray.
Shiikh Xuseen Gaa-gaale oo ka mid ah Saaraakiisha sare sare ee Maxkamadaha ayaa dhiniciisa sheegay in ay soo dhaweynayaan qodobadaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in meesha laga saaray farqigii jiray wixii hadda ka dambeeyana laga wada shaqeyn doono danta umadda Gobalka Hiiraan.
Si kataba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo shaki iyo cabsi intaba ka qabay wax ka dhalan kara is-qoonsiga Siyaasadeed ee soo kala dhaxgalay Saraakiisha Maxkamadaha ayaa si weyn ugu riyaaqay warka ku saabsan in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha gacanta ku haya Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Gobalka Hiiraan oo u muuqda kuwo ka heshiiyay khilaafkii horay uga dhaxeeyay
Cabirka Farta