Madaxii Hay’adda Mercy Corps oo lagu dilay Degmada Jamaame

Cabirka Farta

Axad, November 09, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gudaha degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose dil ugu geysteen madaxii Hay’adda Mercy Corps, kaasi oo lagu magacaabi Jiray Maxamed Maxamuud Saakow.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka oo ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala gudaha Degmadaas ay weerareen rag bastoolado ku hubeysan, kadibna ay dhowr xabadood ku dhufteen, kuwaasi oo uu aakhirkii u geeriyooday.

Hay’adda uu madaxda ka ahaa marxuumka ayaa waxay gacanta ku heysay xarumo dadka lagu daweeyo iyo kuwo lagu quudiyo oo ku yaala Gobollada Jubbooyinka, iyadoo dilkiisana ay si weyn uga naxeen dadka ku dhaqan degmada Jamaame iyo weliba kuwii gargaarka ka heli jiray Hay’addaas.

Dilalka iyo af-duubka loo geysto shaqaalaha hay’adaha samafalka ayaa dhawaanahan  aad ugu soo badanayay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Koofurta, waxaana jiray mas’uuliyiin hay’ado samafal oo la dilay iyo kuwo la af-duubtay oo qaarkood ilaa haatan af-duub lagu heysto.

Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ay ka  af-duubteen afar Samafale oo u shaqeynayay Hay’adda ACF, kuwaasi oo dhamaantood Yurub u dhashay iyo Labo Duuliye oo kaxeyn lahaa diyaarad u kireysneyd Samafalayaashaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia