Axad, November 09, 2008(HOL): Dagaallo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan waxay ka socdaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo rasaasta la isugu adeegsanayo ay tahay mid aad u xooggan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ka socda xaafadaha ka tirsan Degmada Hodan ayaa wuxuu ka socdaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Tareebuunka iyo Isgoyska KM4 iyo qeybo ka mid ah Xaafadda Taleex, halka dagaalka ka socda Degmada Wardhiigleyna uu ka socdo Isgoyska Florenza iyo nawaaxigiisa.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay waana waqti hore in laga hadlayo khasaaraha dagaalladan oo weli socda, waxaana gebi ahaanba hakad ku jira dhaqdhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga goobaha ay dagaallada ka socdaan.
Dagaalladan oo aaney jirin cid weli sheegatay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay afar maalmood ka soo wareegatay waqtigii ay dhaqangal noqon lahayd xabad-joojin ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkan kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia