Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland oo soo dhaweysay Booqashadii dhawaan G/Hiiraan uu ku tagay Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Cabirka Farta
Axad, November 09, 2008(HOL): War qoraal ah oo ay soo gaarsiisay HOL Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Switzarland ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay booqashadii dhawaan uu ku yimid Gobalka Hiiraan Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreyta Soomaaliya garabka Jabuuti.
 
Qoraalka la soo gaarsiiyay HOL oo uu ku saxiisnaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Switzaland  Eng. C/siis Axmed C/dule ayaa waxaa lagu sheegay booqashada Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdigii uu horkacayay  in ay ahayd mid fure ah Nabad laga hergaliy guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana ay Jaaliyaddu intaas ku dartay in dhinaca kale ay si weyn u soo dhaweynayaan dhamaan qodobada ay isla gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreyta garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif.
 
"Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed intaba waa ay ka soo daaleen dagaallo nooc kasta oo ay ahaadaan, sidaa daraadeed waa tallaabo ku dayasho mudan dhaqdhaqaaqa ay wadaan Xubnaha uu horkacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu sheegay qoraalka oo sidoo kale ugu baaqay dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan in ay ka qeyb qaataan dadaallada socda si Nabad loo dhaliyo.
 
Jaaliyadda Hiiraan ayaa dhinaca kale waxaa ay wax laga xumaado ku sheegeen khilaafka soo kala dhaxgalay Saraakiisha Maxkamadaha ku sugan gudaha Gobalka, kaasoo ay ku tilmaameen in yahay khilaaf soo ifbaxaya xili loo soo jeestay dib u hishiisiin iyo in wax kasta lagu dhameeyo wada hadal,  iyada oo Jaaliyaddu ka codsatay Saraakiisha sar sare ee Maxkamadaha in ay meel iska dhigaan arrimaha u dhaxeeya una soo jeestaan sidii loga wada shaqeyn lahaa danta umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobalka Hiiraan.
 
Ugu danbeytii Jaaliyadda Hiiraan ee Dalka Switzarland qoraalkeeda waxaa ugu baaqday dhamaan Bulshada ku dhaqan Gobalka iyo Saraakiisha Maxkamadaha in lala jaan qaado waaga cusub ee u baryay sida hadalka loo dhigay dalka Soomaaliya kaasoo Jaaliyaddu ay ku tilmaamtay in uu yahay in wada hadal iyo wada xaajood wax lagu doono halkii la adeegsan lahaa qori caaradii.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia