Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in uusan khuseynin Heshiiskii Jibouti

Cabirka Farta

Sabti, November 29, 2008(HOL): Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta waxay shaaca ka qaadeen in aysan wax shaqo ah ku lahayn heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Jibouti Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo hoggaankan u hadlay ayaa sheegay in ay beri ka yihiin Heshiiskii Jibouti, wuxuuna sheegay in ka soo horjeedaan in sida uu hadalka u dhigay wax lagu darsado Kooxdii Dalka ku soo hoggaamisay Ciidamada Shisheeye, iyagoo aan ka towbad keenin.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay sii wadayaan dagaal uu xusay in ay dalka uga xoreynayaan Ciidamada shisheeye ee ku sugan, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas socon doonaan ilaa ay Ciidamadaas ka baxaan Soomaaliya.

Dhanka kalena, Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka waxay cambaareeyeen falalka burcadnimada ah ee ka taagan Xeebaha Soomaaliya haddii ay ahaan lahaayeen kuwa ay wadaan Kooxaha Burcad Badeedka iyo weliba Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee ka taagan Xeebaha Soomaaliya.

Hadalka ay sii daayeen Mas’uuliyiinta Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay dalka Jibouti heshiis awood qeybsi ah ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia