
Sabti, November 29, 2008(HOL): Wareegga koowaad ee Horyaalka 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa shalay la soo gebagebeeyay, iyadoo wareegga labaadna uu dhawaan bilaaban doono.
Ciyaartii ugu dambeysay ee Wareegga koowaad waxay shalay garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (EX Luujino) ay ku dhexmartay Kooxaha Gabdhaha Kubadda Kolayga Horseed iyo Heegan.
Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan, isla markaana ay daawashadeeda kas oo qeybgaleen dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa waxay guushii raacday Kooxda Gabdhaha Horseed oo la timid 77 dhibcood, halka Kooxda Heeganna ay keensatay 60 dhibcood.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in Wareegga koowaad ee Horyaalka 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya uu si heer sare ah ku soo gebageboobay, wuxuuna u mahadceliyay Ciyaartoydii, Macallimiintii iyo Garsoorayaashii ka qeybgalay wareegga koowaad ee Horyaalkaas, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay dadweynihii galab walba u daawasho tegi jiray ciyaaraha wareegga koowaad ee Horyaalka 25aad ee Kubadda K/Kolayga Soomaaliya.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia