![]() |
![]() |
| Muuqaalka Caasimadda Soomaaliya | Muuqaalka Caasimadda Djibouti |
Mudadaas 18ka sano ah magaalada Muqdisho waxaa soo marayay maamullo kala duwan, kuwaasi oo aan waxba ka qaban burburka soo gaaray, marka laga reebo in ay madaxdii maamulladaas ku dhex shaqeysteen, isla markaana ay jeebka ku shubteen lacag ay dib u dhisiddeeda ku soo qaateen.
![]() |
![]() |
| Muuqaalka Caasimadda Kenya | Muuqaalka Caasimadda Uganda |
Run ahaantii Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray burbur weyn, welina ma muuqdo jawi ay burburkaas kaga baxeyso waayo weli waxaa ka socda dagaallo lagu sii burburinayo, kuwaasi oo aan la ogeyn goorta ay soo af-jarmi doonaan.
Muqdisho waxaa la oran karaa wey ka hartay Caasimadaha Dalalka Caalamka guud ahaan, gaar ahaan kuwa bariga Afrika iyo weliba kuwa kula jira Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo la dhihi karo waxay ka badbaadeen burburkii soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
![]() |
![]() |
| Muuqaalka Caasimadda Itoobiya | Muuqaalka Caasimadda Eritrea |
![]() |
| Muuqaalka Caasimadda Suudaan |
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay isagoo ka qeybgelayay shir loo qabtay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo horraantii sanadkan lagu qabtay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda waxaa uu sheegay in dhinacyada isku haya Soomaaliya ay ku dhex dagaallamaan gudaha Caasimadda Soomaaliya, “Haddii ay Caasimadda Dalkaaga ku dhex dagaasho, waxay la mid tahay adiga oo Jikada gurigaaga ku dhex dagaallamayo, annaga markii aan la dagaallameynay Iidi Amiin dibadda Kampala ayaan ku soo dagaallannay, markii aan ka awood roonaanayna waxaan la wareegay Caasimaddeena oo aanan burbursaneyn”ayuu yiri Yoweri Moseveni oo sheegay in Jen. Caydiid oo ay saaxibo ahaayeen uu u sheegayintii uu noolaa in ay dagaallada ka daayaan gudaha Caasimadda Soomaaliya.
Haddaba waxay su’aali ka taagan tahay miyaaney dadka isku haya talada dalka Soomaaliya u muuqanin burburka soo gaaray dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Caasimadda oo ah muraayaddii Dalka, sidoo kalena miyaaney dareemeynin in Caasimadda Soomaaliya ay ka hartay Caasimadaha Adduunka, xitaa kuwa dalalka la deriska ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






