Sabti, November 29, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, isla markaana wata gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa waxay ka soo tallaabeen Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo soo aaday dhinaca Gobolka Bay.
Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal oo 100 gaari ku dhow ayaa waxay ka tallaabeen Degmada Doolow ee ku taalla xadka kala qeybiya labada dal, waxayna u dhaqaaqeen dhinaca gudaha Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa Ciidamadan naga soo gaarayna waxay sheegayaan in ay ka gudbeen Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta keentay in ay ciidamadan Itoobiyaanka soo galaan Soomaaliya iyadoo weliba madaxda sare ee Dowladda Itoobiya ay sheegeen in ay Ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya inta uusan dhamaanin dalka Soomaaliya.
Heshiis ay Dowladda Federaala iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ku gaareen Dalka Jibouti ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadkan, iyadoo welina ay su’aal ka taagan tahay in ay Ciidamadaas Soomaaliya uga baxayaan xiliga loo qabtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia