Maamulka Puntland oo ka digay jir-dil lagula kaco Laba saxafi oo laga afduubtay magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Sabti, November 29, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay ka digay in wax jir-dil ah loo geystayo labo wariye oo maalmo ka hor laga afduubtay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo Puntland u yimid hawlo shaqo oo la xiriira dhanka Burcad Badeedka iyo Tahriibka.
 
La-taliyaha madaxwaynaha Puntland ee arrimaha Sxaafadda Bile Maxamuud Qabawsade oo maanta saxaafadda isugu yeeray ayaa sheegay in la soo furan doono saxaafiyintaasi oo maalintii seddexaad gacanta ugu jira kooxo jiri Burcad Biriyeeda ah.
 
Waxaa uu ka gaabsaday la tilayaha in uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo halka lala aaday labadaasi wariye iyo cidda ka dambaysa af-duubkoodan, balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in maamulku uu arimahaasi ku guda jiro.

Maamulka Puntland ayaa ku adkaysanayaa in la soo furan doono wariyayaashaasi iyagoo bad qaba ,waxaana uu hadalkaan soo baxay kadib markii saxaafadda Puntland ay faafisay warar sheegaya in labadaasi saxafi ay doonayeen in lacag madax furasho ah ay u geeyaan  Burcadda afduubka u haysata markabka hubka sida ee laga leeyahay dalka Ukraine.
 
Labadaan Saxafi ayaa u kala dhashay wadamada Spain iyo Ingriiska ,waxaana la afduubtay xili ay doonayeen in ay ka dhoofaan madaarka Boosaaso, waxaana ilaa iyo hadda laga dhur sugayaa tallaabada xigta ee maamulka Puntland arrimahaasi la tiigsan doono.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia