Arbaco, November 26, 2008(HOL): Kooxo hubeysan oo Soomaali ah ayaa waxay maanta ka af-duubteen Gobolka W/Bari ee Soomaaliya oo hoos-yimaada Maamul Goboleedka Puntland labo wariye oo reer galbeed ah.
Labadan Wariye oo aan weli la ogeyn wadanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan ayuu Taliska Booliska Puntland maleynayaa in ay u dhasheen Dalka Britain, “Ma hubno Wadanka ay u dhasheen, laakin waxaan u maleyneynaa in ay u dhasheen Dalka Britain, waanse baari doonnaa arrintaas”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Puntland Abshir Saciid Jaamac oo goor dhaweyd u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters.
Afhayeenkan u hadlay Booliska Puntland waxaa uu sheegay in ay Ciidamo Boolis ah u direen halka lagu heysto Wariyayaashaas, kuwaasi oo gacan ka geysan doona sidii loo sii deyn lahaa.
Seddex Wariye oo u kala dhashay Wadamada Canada, Australia iyo Somalia laguna kala magacaabo Amanda Lindhout, Nigel Brennan iyo C/fataax Maxamed Cilmi ayaa muddo labo bilood ka badan waxaa af-duub u heysta kooxo ka qafaashay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, xili ay doonayeen in ay warbixinno ka sameeyaan Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa labadaas magaalo.
Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee ka jirtay waxaa mar kasta ka dhaca dilal, af-duubyo iyo falal dembiyeedyo kale, kuwaasi oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ka faa’iideysta nidaam iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia