Is-rasaaseyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo xalay ka dhacday Degmada Cabuud-waaq ee Gobolka Galgaduud

Cabirka Farta

Arbaco, November 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Cabuud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ay xalay gudaha degmadaas ka dhacday is-rasaaseyn dhexmartay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka iyo Jabhul Islaamiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo Maleeshiyooyin ah oo ka biyo dadanaa in ay qaataan amar ka soo baxay Xoogagga Islaamiyiinta ah.

Is-rasaaseynta labada dhinac dhexmartay ayaa waxay sababtay dhimashada mid ka mid ah Kooxihii Maleeshiyada ahaa iyo dhaawaca mid ka mid ah Xoogaggii Islaamiyiinta ahaa, iyadoo kadibna laga itaal roonaaday kooxdii maleeshiyada ahayd oo weliba qaarkoood gacanta lagu dhigay.

Afhayeen u hadlay Xoogagga Islaamiyiinta ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Jimcaale ayaa sheegay in is-rasaaseynta labada dhinac ay ka dhalatay kadib markii sida uu yiri kooxda Maleeshiyada ah ay diiday in ay u hoggaansanto amar ahaa in aan gudaha magaalada Cabuud-waaq lagu qaadan karin wax hub ah.

“Amarkaas wuxuu ka soo baxay wada hadal na dhexmaray annaga iyo Odayaasha iyo Culumaa’udiinka Degmada, kuwaasi oo in muddo ah maaro u la’aa kooxo maleeshiyooyin ah oo falal amni darro ah ka geysan jiray Gudaha Degmada Cabuud-Waaq”ayuu yiri Maxamuud Cabdi Jimcaale.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Cabuud-Waaqna waxay sheegayaan in xaaladda ay degan tahay, isla markaaana ay gudaha Degmada howlgallo ka wadaan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Jabhul Islaamiya oo is-garabsanaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia