Arbaco, November 26, 2008(HOL): Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DFKMG ah ee Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa goor sii horreysay ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Madaxwaynaha iyo xubnaha wehliyay ayaa ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta uah dalka Kenya oo baryihii u danbaysay ay ku sugnaayeen madaxda dawladda ugu sar saraysa.
Waxaa madaxwaynaha iyo wafdigiisa safarkooda ku wehliyay safiirka Yemen ugu qaabilsan arrimaha Soomaliya Axmed Xamiid Cumar sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw mas’uuliyinita madaxtooyada magaalada Garowe.
Madaxwayne Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay madaarka Garowe ayaa ka codsaday Maamulka Puntland iyo shacabkiisa in ay gacan ka gaystaan sidii loo sii dayn lahaa Markab laga leeyahay dalka Yemen kaasi oo ay afduub u haystaan kooxo Burcad badeed Somali ah.
Sidoo kale waxaa warar soo baxaya ayaa sheegaayaan in arinta kale ee uu Madaxwayne Yuusuf uu u yimid ay tahay caano-shubka boqorka Beelaha Daarood,waxaana haatan uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxwayne Cadde oo iyagu ku soo dhaweeyay madaarka Garowe.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia