Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo maanta degan kadib Qarax xalay ka dhacay

Cabirka Farta

Arbaco, November 26, 2008(HOL): Waxaa maanta degan xaaladda magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo xalay  lagu weeraray mid ka mid nabadoonnada ugu caansan gobolkaasi Mudug, kaasi oo weerarkiisa loo adeegsaday qarax miino.

Wararku waxey intaasi ku darayaan in Masuulkaan dhaawac ahaan loo jiifay isbitaalka magaalada Gaalkacyo isaga iyo rag kale oo la socday xiligii la qarxinayay gaarigiisa.

Mas’uulkaan la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Guuye oo ku magac dheeraa Qurux ,waxaana la ogayn ilaa iyo hadda sababta ka danbaysay in gaarigiisa lagu weeraro miinada  oo ahayd nooca meelah fog fog laga hago.

Ciidamada Booliska ayaa dhamaan lagu daadiyay waddooyinka soo gala xaafadda uu qarax ka dhacay  si aysan u dhicin dhibaatooyin hor leh oo dhanka ammaanka ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul ka tirsan maamulka gobolkaasi oo si rasmi ah uga hadlay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo,waxaase la aaminsanyahay in uu qaraxaasi qayb ka yahay falalka ammaan xumo ee inta badan ka dhaca magaaladaasi.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia