Arbaco, November 26, 2008(HOL): Meydka Haweeney Cuuryaan ah oo caan ka ahayd Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa xalay laga helay Xaafadda Al-Baraka oo ka tirsan Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Haweeneydan oo Lugta midig ka go’an, isla markaana ka dawarsan jirtay Suuqa Bakaaraha ayaa meydkeeda waxaa xaafadda Al-Baraka geeyay gaari aan la aqoonsan sida ay dadka deegaankaas sheegeen, waxaana haweeneyda madaxa kaga taalay xiliga meesha la soo dhigayay rasaastii lagu dilay.
Dadkii ugu horeeyay ee arkay meydka marxuumadda ayaa sheegay in ay garba-duub u xirneyd, isla markaana ay dhow xabadood madaxa kaga yaalleen, waxayna intaas ku dareen in gaarigii meesha keenay uu cararay.
Saaka ayaa dad aqoonsaday meydka marxuumadda waxay u qaadeen reerkeeda, waxayna si weyn uga tiiraanyoodeen falka naxariis darrada ah ee haweeneydaas lagula kacay, weliba iyadoo la ogaa in ay ka dawarsan jirtay Suuqa Bakaaraha.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegi karta wixii haweeneydaas loo dilay marka laga reebo in la ogaa iyadoo ka dawarsan jirtay Suuqa Bakaaraha, xalayna meydkeeda laga helay Xaafadda Al-Baraka oo aan u dheereyn Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia