Arbaco, November 19, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu maqribnimadii caawa ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogagga ka soo xorjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku weerareen fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Xeyla Bariise.
Ciidamada labadaas fariisin ku sugan ayaa markii madaafiicda lagu garaacay waxay iyana ku jawaabeen madaafiic kale oo xooggan, taasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay labo maalmood ka harsan tahay waqti lagu ballansanaa in ay Ciidamada Itoobiya uga guuraan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhiga, lama oga in Ciidamada ay labadaas maalmood gudahood uga guuri doonaan fariisimadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia