Arbaco, November 19, 2008(HOL): Maamulka degmada Boosaaso ayaa ku eedeeyay hay’adda DRC in aysan waxba ka qaban dhibaatooyinka ka jira xeryaha ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, isla markaasna aysan wax wada shaqayn ah la lahayn maamulka Degmada.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Boosaaso C/qaadir Maxamuud oo maanta ka hadlayay kulan ka dhacay dawladda hoose ayaa sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo la gaarsiiyay qaxootiyada ku jira xeryaha ku yaala duleedka Boosaaso.
Kulankaan ayuu guddoomiyaha la qaatay in ka badan 300 ruux oo ka kala socday xeryaha Boosaaso, kuwaasi oo intooda badan aan helin gargaarkii ay hay’addaasi ugu talagashay dadka soo barakacay.
"DRC kama hayno wax wada shaqayn ah,waxaana jirta in si khaldan loo maareeyay raashinkii loogu tala galay rayidka Boosaaso" sidaas waxaa yiri ku xigeenka duqa Degmada Boosaaso.
Eedaynta loo jeediyay hayada DRC ayaa soo baxday labo maalin kadib markii hay’addaasi ay simanaaro u qabatay dad laga kala soo xulay xaafadaha Boosaaso , iyadoo aan lala so socodsiin maamulka Degmada.
Inkastoo uusan jirin masuul ka tirsan hay’addaasi oo ka hadlay eedeynta loo jeediyay ayaa hadana arintani waxa ay imaaneysaa iyadoo magaalada Boosaaso ay noqotay magaalada ugu qoxootiga badan Puntland.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia