IGAD oo sheegtay in ay xayiraado gaar ah ku soo rogeyso Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya midkii caqabad ku noqda dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, November 19, 2008(HOL): Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo shalay shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ka soo saareen go’aanno adag oo ka dhan ah madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwii caqabad ku noqda dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya.

Go’aannada adag ee ay Wasiirrada soo saareen ayaa waxaa ka mid ah in ay shegeen in haddii ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay caqabad ku noqdaan geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya ay ku soo rogi doonaan cunaqabateyn si gaar ah u taabaneysa, taasi oo ku aadan safarrada iyo dhaqaalaha, iyadoo taasina ay ka dhigan tahay in la go’doominayo.

Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika oo shirka ka qeybgashay Sahle Work Zewde ayaa go’aannadii ay wasiirrada soo saareen u aqrisay Saxaafadda, waxayna sheegtay in go’aanka laga qaaday Madaxda Soomaalida uu yahay mid soo baxay kadib markii loo caal waayay khilaafaadyo soo noqnoqday oo ragaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aannada ka soo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda  IGAD si cad looguma sheegin cidda loola dan leeyahay cunaqabateyntan, hayeeshee Ambassador Sahle Zewde waxay sheegtay in ay iska caddaan karto in bartilmaameedka ugu weyn uu yahay Madaxweyne Yuusuf oo diiday in uu aqbalo liiskii Wasiirrada ee uu u soo gudbiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, “Magacyo ma sheegeyno X iyo Y (Xuseen iyo Yuusuf) laakin waxaan u maleynayaa in aywax kasta cad yihiin, lagana garan karo cidda caqabadda ah”ayayna tiri Ambassador Sahle Work Zewde.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayay Sheegtay Sahle Work Zewde in loogu baaqay in ay iyana qaataan go’aan la mid ah midka uu qaatay Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo haddii la fuliyo maareyn kara ku tartanka awoodaha ee u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD waxaa looga dhawaaqay in Dowladda Kenya oo ka mid ah Urur Goboleedka IGAD ay ballanqaaday in ay 800 oo Askari ay ku biirineyso Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, inkastoo aysan sheegin waqtiga ay Ciidamadaas u direyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia