Arbaco, November 19, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa wuxuu digniin culus u jeediyay Kooxo burcad ah oo isu ekeysiiya Ciidamada maamulkaas, kuwaasi oo habeenkii dadka dhac u geysta.
Shiikh Xasan Yacquub Cali oo ah Xoghayaha Warfaafinta Maamulkaas ayaa sheegay in uu soo gaaray warka ku saabsan in ay rag ku labisa dharka Ciidamadooda oo kale ay dadka dhacaan, wuxuuna sheegay in ay arrintaas tallaabooyin ka qaadayaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha falalkaas ka dambeeya oo uu sheegay in ay marka hore digniin gaarsiinayaan.
Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa habeennadii aanu ka soo gudubnay waxaa la soo dersay xaalado cabsi ah kadib markii ay gudaha Magaaladaas ka dilaaceen kooxo dadka dhaca, kuwaasi oo weliba hubeysan, isla markaana qaba labis la mid ah midka Ciidamada Maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.
Dad badan oo ku dhaqan magaalada Kismayo ayaa waxay is-weydiinayaa sida ay suurtagal ku noqon karto in magaalada Kismaayo oo uu gacanta ku wada hayo Maamul Islaami ah in ay soo dhexgalaan kooxo hubeysan oo dadka dhacaya.
Waxaa la eegayaa tallaabada uu maamulka ka taliya magaalada Kismaayo ka qaado kooxaha habeenkii dadka dhaca ee ka dilaacay Magaaladaas. Tan iyo markii uu maamulka ka taliya magaalada Kismaayo la wareegay gacan ku heynta magaaladaas ayaa waxaa magaaladaas ka yaraaday kooxo hubeysan oo isbaarooyin dhigan jiray gudaha Magaalada, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidkaba dhac u geysan jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia