Golaha Aqoonyahannada Digil iyo Mirifle oo soo dhaweeyay la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Arbaco, November 19, 2008(HOL): Golaha Aqoonyahannada Digil iyo Mirifle ayaa soo dhaweeyay la wareegitaanka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Golahaas oo lagu magacaabo Fowsi C/nuur ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan la wareegitaanka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose, wuxuuna sheegay in Gobolka Shabeelaha Hoose uu ka mid ah yahay Deegaannada ay degaan Beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxaa uu intaas ku daray Fowsi C/nuur in ay ugu baaqayaan Ururka Al-Shabaab in uu dadka u kala cadaalad –falo, isla markaana dad badan oo xaqooda la duudsiiyay uu xaqooda u soo celiyo.

Hadalka uu sii daayay Golahan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose uu la wareegay Ururka Al-Shabaab oo ka mid ah Xoogagga Islaamiyiinta ah ee awoodda badan ku leh Dalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay la hadlayay dadka Deegaanka Shalaambood ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha gobolkaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay heleen xog ku saabsan cidda arrimahaas ka dambeysa.

Ugu dambeyntiina, Xoogagga Al-Shabaab ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degmada Marka iyo Deegaanka Shalaambood waxay ku soo qabqabteen dhalinyaro badan oo isticmaalayay maandooriyayaal kala duwan, kuwaasi oo la filayo in  waqtiyada soo socda lagu fuliyo xukunno tacsiir ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia