Gudoomiyihii hore ee Gobalka Yuusuf Dabageed oo ay xabsiga dhigeen Ciidamada Itoobiya ee jooga Degmada Feer-feer.

Cabirka Farta
Sabti, November 01, 2008(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo bilihii aynu soo dhaafneyba ku sugnaa Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay Xabisga dhigeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Feer-Feer.
 
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in xariga Yuusuf Dabageed lala xiririnayo muran soo kala dhaxgalay isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo dalbaday in lagu soo wareejiyo Hub iyo Gaadiid uu lahaa Yuusuf Dabageed, taasi oo uu Yuusuf Daba-geedna ka biyo diiday.
 
Laakin  warar hoose oo oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Xariga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan  lala xiriiranayo khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Duqii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) inkastoo aan la ogeyn wax uu khilaafkaasi ku saleysan yahay.
 
Yuusuf Dabageed ayaa tan iyo markii laga qaaday xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan waxaa jiray khilaaf isa soo taraya oo u dhaxeeyay isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaana xusid mudan in kol hore Wareysi uu siiyay Yuusuf Dabageed Laanta Afka  Soomaaliga ee BBC-da uu ku sheegay in Ciidamada Itoobiyaaku dhibaato ku hayaan dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan.
 
Ehellada Guddoomiyihii hore Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay uu ku xanuusanaa Degmada Feer-feer lamana oga in Saraakiisha Itoobiyaaku xariga ku sii heyn doonaan Yuusuf Daba-geed oo ay Dowladda Federaalka labo jeer u soo magacawday Gobolka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia