SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED: “Heshiiskii Jibouti Annaga oo aan dhihin waa xun yahay iyo waa fiican yahay waxaan qabaa in uu keenay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya”

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Sabti, November 01, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo kadib markii uu maanta gaaray Magaalada Jowhar shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaas ayaa wuxuu sheegay in heshiiskii Jibouti ay ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uu keenay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya.

“Heshiiskii Jibouti Annaga oo aan dhihin waa xun yahay iyo waa fiican yahay waxaan qabaa in uu keenay  in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya” ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in marxaladda haatan lagu jiro aysan ahayn mid dagaal, isla markaana ay tahay mid nabadeed oo la doonayo in lagu badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Haddii aan u dagaallameynay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, hadda taasi waan gaarnay, waxaana loo baahan yahay hadda kadib in la wada hadlo oo laga shaqeeyo sidii ay dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen oo aayahooda uga tashan lahaayeen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay la kulmayaan hoggaanka Muqaawamada ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Shiikh Shariif oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in qalabka warbaahinta la isu mariyay hadallo aan wanaagsaneyn, wuxuuna soo dhaweeyay in wax kasta laga wada hadlo, isla markaana mad-madowga jira xal laga gaaro.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada hadal xal lagu gaaro, isla markaana la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay dagaallada iyo abaaraha soo daashadeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia