Wafdi uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Cabirka Farta

Sabti, November 01, 2008(HOL): Waxaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe wafdi uu horkacayay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wafdiga  Shiikh Shariif oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa xubno ka ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynat Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan, Shiikh C/raxmaan Jinaqow, Axmed C/llaahi iyo xubno kale.

Shiikh Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ugu dambeysay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Jowhar muddo labo sano ka hor, wuxuuna tan iyo xiligaas uu marar kala duwan ku sugnaa, Kenya, Yemen, Eritrea iyo ugu dambeyntii Jibouti oo uu haatan fariisin ku leeyahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Jowhar soo gaaray waxay sheegayaan in Xubnaha Wafdiga ay kulamo la leeyihiin saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku heysa Magaalada Jowhar iyo weliba Odayasha iyo Waxgaradka ku sugan Magaalada Jowhar.

Ma cadda ilaa iyo haatan inta uu wafdigan joogi doono Magaalada Jowhar, waxaana jira warar sheegaya in ay qorsheynayaan Xubnaha Wafdiga in ay booqdaan Magaalooyin kale oo dalka ah.

Ammaanka Waddooyinka gala iyo kuwa ka soo baxa Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa gudaha iyo daafaha Magaaladaas gaaf-wareegaya Ciidamo ka amar qaata Midowga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo isha ku haya dhaqdhaqaaqyada dadka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia