Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Dad rayid ah ku dilay deegaanka Xaliimo Heyte ee Degmada Kaaraan

Cabirka Farta

Sabti, November 01, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay dad rayid ah ku dileen Deegaanka Xaliimo Heyte ee Degmada Kaaraan, kuwaasi oo la sheegay in ay gaari kala degeen.

Dadkani ay Ciidamada dileen oo mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay C/llaahi Madaxey ayaa waxay saarnaayeen gaari Toyota SURF ah oo ka yimid Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Qof kale oo seddexaad oo labada ruux ee la dilay gaariga la saarnaa ayaa wuxuu ka badbaaday in ay Ciidamada dilaan, wuxuuna kaga baxsaday cagahiisa, waa sida ay dadka deegaanka ku warameen.

Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Deegaanka Xaliima Heyte ee Degmada Kaaraan ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada ay joojiyeen gaariga ay saarnaayeen labada ruux ee la dilay, kadibna ay ku eedeeyeen inay yihiin sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab, dabadeedna ay sidaas ku toogteen.

Ciidamada dilka geystay ayaa la sheegay in ay beryahan deegaankaas ka wadeen falal ay dadka gaadiidka ugala degaaan kadibna ay dhibaateeyaan, iyadoo asbuucan gudahiisa ay ahayd markii ay nin rayid halkaas ku dileen.

Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan la xaqiijin karin rasmi ahaantooda ciidannimo ayaa waxay gudaha magaalada Muqdisho ka geystaan falal isugu jira dhac iyo dil, iyadoo aaney ilaa iyo haatan jirin cid wax ka qabaneysa falalka guracan ee ay geysanayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia