Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole oo Qarax Miino lagu dhaawacay

Cabirka Farta

Sabti, November 01, 2008(HOL): Qarax xooggan oo maanta ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu dhaawac culus ka soo gaaray Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole, iyadoo sidoo kalena ay qaraxaas ku geeriyoodeen afar ka mid ah ilaaladii guddoomiyaha.

Dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole oo la sheegay in uu aad u culus yahay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Magaaladaas, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo, iyadoo sidoo kalena Isbitaalka la dhigay 10 ruux oo kale oo qaraxaas ku dhaawacmay.

Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay ay Magaalada Baydhabo ka dhaceen labo qarax oo geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 17 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Dad Rayid ah.

Qaraxa maanta lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Baydhabo  ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhamaan Xildhibaannadii Baarlamaanka Soomaaliya oo fariisin KMG ah ku lahaa Magaalada Baydhabo ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay u aadeen shir ay la lahaayeen Urur Goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan sii xumaanayay, waxaana ka dhacayay dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaado fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia