Isniin, May 05, 2008(HOL): Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdsiho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in diidmada lacagta Kunka Shilin ee duugowday ay salka ku heyso qorshe laga soo abaabulay deegaannada Puntland.
Afhayeenka Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in diidmada kunka shilin ay keentay lacag Warqada A4-ta laga soo sameeyay oo lagu soo daabacay deegaannada Puntland taasi oo la soo geliyay Suuqyada Muqdisho, isagoo xusay in si lacagtaas ay ugu soo harto Muqdisho la wado qorshe lagu diidayo lacagtii hore, isla markaana loogu qaadayo Deegaannada Puntland.
Afhayeenka oo wax laga weydiiyay waxa ay ka yiraahdeen diidmada lacagta Kunka Shilin ee duugowday waxaa uu sheegay in ay amar ku bixiyeen in aan la diidi karin, isagoo xusay in ciddii diida ay tallaabo ka qaadi doonaan Ciidamada Suuqa Bakaaraha oo howlgallo ka sameyn doona Gudaha Suuqa Bakaaraha, si ay ula socdaan dhaqangalka amarka ay soo saareen.
Ganacsatada Suuqyada kale ee Soomaaliya ayuu sheegay Cabaas Maxamed Ducaale in ay ugu baaqeen in ay sameystaan Ciidamo suga ammaanka Suuqyadooda, isla markaana socodsiiya lacagta la diidayo.
Shirkan ay maanta isugu yimaadeen Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, kuwaasi oo ay sameeyeen dadweyne ka careysan diidamada lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugowday, iyadoo banaanbaxyadaasina ay ahaayeen kuwo ka wada dhacay guud ahaan Suuqyada iyo Waddooyinka Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaanan la ogeyn sida uu Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha uu uga dhaqangelayo amarka ay soo saareen Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ee ku aadan in la qaato lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia