Deeq la gaar siiyay Dad ku dhibaateysnaa Deegaanno ka tirsan Goballada Hiiraan iyo Gal-gaduud

Cabirka Farta
Isniin, May 05, 2008(HOL):  Marka laga soo tago Colaadaha ka taagan qeybo ka mid ah Goballada dhexe, waxaa dhinaca kale xusid mudan in ay jiraan Abaaro faro kulul ku haya dadka iyo duunyada ku dhaqan Deegaano ka tirsan Bartamaha Soomaaliya taa oo keentay in meelaha qaar dadka iyo duunyaduba u geeriyoodaan Haraad iyo Macaluul ka dhalatay Abaarta.
 
Meelaha ugu daran ee dhibaatadu ka taagan tahay waxaa ka mid ah Deegaano ka tirsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud kadib markii ay gureen  Ceelashii ay ka cabi jireen dadka reer Miiga ah dhulkuna uu ku yaraada Daaqa maadaama labadii xili ee la soo dhaafanay aan sidii la filayay loo helin Roobkii Guga.
 
Lakiin hada waxaa jira Dadaalo ay wadaan shaqsiyaad isku tagay iyo Ururo Maxali ah oo wada sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan haba ugu darnaadeen kuwa soo barakacay oo ay ku adag tahay nolasha deegaanada ay soo maciin Bideen.
 
Ururka Daljire oo ah mid ay ku bahoobeen dhalin-yaro Soomaali ah kana dhisan Magaalada Londan ee Dalka Britain ayaa markii ugu horeysay Deeq lacageed gaarsiiyay Boqolaal   Qoysas isugu jira kuwa ka soo cararay Dagaalada Muqdisho iyo kuwo xoolahoodii ku marteen Abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah Bartamaha Soomaaliya.
 
Cali Cumar oo ka tirsan Ururka Daljire ayaa sheegay in lacagta la gaarsiiyay Qoysaska dhibaateysan ay ka soo gaartay Gabdho ku nool dalka Britain, waxaana uu intaa ku daray in Qoyskiiba uu helay lacag dhan 1,000,000 oo shilin So. ah taa oo la oran karo waa tirsadii ugu badneyd ee deeq ahaan u soo gaartay Qoysaska soo barakacay Bilihii ugu danbeeyay.
 
Cali Cumar waxaa uu intaa ku daray in sababta ay u doorteen in la siiyo Qoysaska lacag cadaan ah tahay mid suurta galin karta in Qoysku ku daboolo lacagta la siiyay hadba baahiyaha ugu daran,'' Waayo waxaa laga yaabaa in hadii aad Raashin ugu dhigto ay jiri karto wayaabo kale oo raashinka uga daran, waanta tan keentay in Qoyska loo madax-banaaneeyo tasarufka Lacagta la siiyay.
 
Dhinaca kale ilaa 600 oo Booyadood ayaa Biyo gaarsiiyay Deegaano ka tirsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud oo bilihii ugu danbeeyay ay ka taagneyd dhibaato dhinaca Biyaha ah, kadib markii markii dhalinyaro isku isku xilqaamay oo Reer Guri-ceel ah gacan taageero ka heleen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibadiisa.
 
Meelaha ugu daran ee Biyaha helay ayaa waxaa ka mid ah Degmada Matabaan oo marka la eego la oran karo waa halkii ugu darneyd ee biyo la'aantu ka jirtay marka loo eego qeybaha kale ee Abaartu ka jirtay, lakiin waxaa ay ku cabanayaan wali dadka Degmada Matabaan in taa badalkeeda ay ka doorbidi la haayeen in loo sameeyo Ceelka Degmada oo uu Matoorku ka halaabay.
 
Sikastaba Soomaalida oo ah mid looga bartay is-gargaarida marka ay jiraan dhibaatooyinka Dabiiciga ah ayaa talaabooyinka ay qaadayaan waxaa la oran karaa waa kuwo dhiira galin u noqonaya dadka ku dhibaateysan meelaha Abaartu ka jirto oo hada dareemaya in laga war hayo xaalada adag ee soo foodsaartay, inkastoo hadana wali arimuhu yihiin kuwo culus.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia