Isniin, May 05, 2008(HOL): Dadweyne aad u faro badan oo ka carysan diidmada lacagta kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugowday ayaa saaka waxay banaanbaxyo ka dhigeen qeybo badan oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Dadkani oo u badnaa dhalinyaro iyo Dad Garab-rarato ah oo ka xoogsada Suuqa Bakaaraya ayaa intii ay banaanbaxayeen waxay ku qeyblinayeen ereyo ka dhan ah ganacsatada diida lacagta Kunka Shilin ee duugowday.
Qaar ka mid ah Dadkani banaanbaxayay oo mararka qaarkood dhagxaan tuurayay ayaa waxay ku goodiyeen in ay dab qabadsiin doonaan qeybta Sarifka Lacagaha Qalaad ee Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay sheegeen in ay tahay meesha laga soo abaabulay diidmada lacagta duugowday ee kunka Shillin.
Banaanbaxa ay dadkani sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay magaalada Muqdisho ka taagneyd xiisad ka dhalatay diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin, iyadoo weliba meelaha qaarkood ay ka bilaabatay in la kala sooco lacagta Kunka Shilin, isla markaana la diido mida u muuqata in ay tahay lacagtii hore, halka la qaadanayo lacagta dhawaanahan la soo daabacayay ee been abuurka ah.
“Marka aad wadato lacag dhan 100 Kun Shilin Soomaali ah oo aad istiraahdo wax soo iibso waxaa kuu soo noqoneysa kala bar lacagta aad wadato oo ay ganacsatada kugu soo celinayaan, marka haddii sheekada sidan ku sii socoto waxaan ka baqayaa in ay dadka gacanta isula tagaan oo ay dhibaato isu gaarsiiyaan sabab la xiriirta diidmada lacagta duugowday”sidaas waxaa yiri Cabdi Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka Muqdisho ee ay saameysay kala soocidda iyo diidmada lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah oo ka soo haray dhamaan lacagtii Soomaaliyeeed.
“Xitaa marka aad meel shaah ka cabto si fiican ayaa loo ged-gedinayaa lacagta kunka shilin ah ee aad dhiibto, haddii uu guduudan yahay oo uu kistoo duug u muuqdo waa lagaa diidayaa, hadduusan xitaa meel ka jeexneyn, waxaana laga door bidaa lacagta la soo been abuuray oo midabkeeda uu wax xoogaa ka cad yahay kunkii hore”ayuu mar kale yiri Cadi Axmed Maxamuud oo sheegay in dhibaatada ay wadaan ganacsatada noocii ay doonaan ha ahaadeene.
Sheeko kale oo qosol leh ayaa waxay tahay dadka caadeystay shaxaadka iyo kuwa sida caadiga ah u tuugsada ayaa marka la siiyo lacagtaas waxay ku leeyihiin “iga bedel”, tiiyoo markaas oo ku kaceyso qofkii la shaxaadayay ama la dawarsanayay, waa dhacdo maalmeedyada Muqdisho ee beryahan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ah oo si xowli ah ku socota ayaa haddii ay sii socoto waxay su’aali ka taagan tahay sida ay noqon doonto nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo aan awoodin in ay helaan lacag aan duug ahayn, kuwaasi oo noloshooda ku tiirsan tahay wixii ay maalintaas soo helaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia