Banaanbaxyadii Muqdisho ka socday ee looga soo horjeeday diidmada Lacagta Duugowday ee Kunka Shilin oo sii xoogeystay

Cabirka Farta


Isniin, May 05, 2008(HOL): Waxaa sii xoogeystay banaanbaxyo saaka ka bilowday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dhigayaan Dad ka careysan diidmada lacagta duugowday ee Kunka shilin, iyadoo haatan ay gebi ahaanba istaageen isu socodka Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxyadan oo saaka subaxnimadii ka bilowday Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa haatan wuxuu wada saameeyay Magaalada Muqdisho oo haatan ay ka socdaan dibadbaxyo hakad geliyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.

Dibadbaxyadan ayaa waxay ka dhaceen Waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay dad dhalinyaro u badan oo dhagax tuur ku sameynayay gaadiidka iyo weliba goobaha ganacsiga ee ay arkaan iyagoo furan, kuwaasi oo durba la xirayay marka dhagax-tuurka lagu bilaabo.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa saaka waxaa albaabada u laaban yihiin goobahiisa ganacsiga sabab la xiriirta dibadbaxyo ka dhacaya waddooyinka dhexmara Suuqa, iyadoo dibadbaxyadaasna ay dhigayaan dad careysan oo u badan kuwo ay saameysay diidmada iyo kala soocidda lacagta Kunka Shilin Soomaalig.

Waxaa jiray dad ganacsato ah oo ay dibadbaxayaasha u soo saareen lacagta la diidayo, taasi oo markii ay diideen in ay qaataan lacagtaas burburin lagu bilaabay mehradahoodai ganacsiga, waxaana ka mid ahaa nin ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, kaasi oo markii uu diiday in uu biyo cabitaan ah ku iibsado lacag duugowday ay koox banaanbaxayaal burburiyeen goobtii uu cabitaanka ku iibinayay.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa hataan waxay tahay mid kacsan oo ay  banaanbaxyo ka dhacayaan, iyadoo gebi ahaanna ay xirayeen Suuqyada iyo Goobaha ganacsiga ee Magaalada.

Wixii ku soo kordha dibadbaxyada ka socda Magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia