Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo xalay dhac u geystay goobo ganacsi oo ku yalaa Degmada Shibis

Cabirka Farta

Isniin, May 05, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dhac u geysteen goobo ganacsi oo ku yaala Degmada Shibis, gaar ahaan xareeraha Wadada Nasiibuundo.

Goobaha ay Ciidamada dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Goob Internet CafĂ© ah oo lagu magacaabo Jamiil,  halkaasi oo ay ka qaateen Dhowr Taleefoon oo Mobile ah, Lacag Doollar iyo Shilin Soomaali isugu jirtay, sidoo kaelna, waxay dhac u geysteen  Foto Keysaney iyo dukaamo u dhawaa oo isla hareeraha Wadadaas ku yaala.

Ciidamadan ayaa markii ay dhaca geysteen waxay isaga dhaqaaqeen si caadi ah, mana jirin cid ku soo baxday oo wax ka qabatay, xitaa haddii ay ahaan lahaayaeen Ciidamada Saldhigga Degmada Shibis oo ka dhawaa halka ay Ciidamada wax ku dhacayeen.

Dadka ku dhaqan Degmada Shibis, gaar ahaan nawaaxiga halka uu falkaas ka dhacay ayaa si weyn uga xumaaday in ay dhac u geystaan Ciidamo ka amar qaatay Dowladda Federaaka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay la yaab ugu muuqato in ay dhacaan Ciidamo la rabay in ay Dadka Shacabka ah tuugada ka qabtaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Goobo ganacsi oo ku yaala Degmada Shibis ay dhac u geystaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda, waxaana jiray dukaamo ku yaala Suuqa Maana-boolyo oo xili habeen ah ay jabsadeen Ciidamada Dowaldda, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan wax  tallaabo ah laga qaadin.

Shalay ahayd markii ay Suuqa Beerta Afisyooni isku rasaaseeyeen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qeyb ka mid ah ay dooneysay in ay falal dhac ah ka geystaan guryo iyo goobo ganacsi oo halkaas ku yaala, iyadoo taasina ay keentay in ay ku soo baxaan Ciidamo kale kadibna ay is-rasaaseeyaan, inkastoo aaney is-rasaaseyntaas geysan wax khasaare ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia