Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo la faray in ay todobaad gudahiis ku soo diiwaangeliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay heystaan

Cabirka Farta

Axad, May 04, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa amar lagu siiyay in ay muddo todobaad ah ku soo diiwaangeliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay heystaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo shalay la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka oo ku kulansanaa Xarunta ADC-da ayaa wuxuu sheegay in sababta loo diiwaangelinayo hubka Xildhibaannada ay tahay iyadoo la doonayo in wax laga qabto ammaanka Magaalada Baydhabo oo dhawaanahan aad u sii xumaanayay.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu u sheegay Xildhibaanada in ay xogta hubkooda iyo Ciidamadooda ay ku wareejiyaan Saraakiisha Ammaanka Magaalada Baydhabo iyo Maamulka Gobolka Bay, isagoo sheegay in Xildhibaankii aan ilaaladiisa diiwaangelin loo arkayo in uu ka soo horjeedo sugidda nabadgelyada.

Amarkan la siiyay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan uu sheegay Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Bay Aadan Baariyow in amni darrada ka jirta Magaalada Baydhabo ay qeyb ka yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka oo gudaha Magaalada ku heysta hub iyo ilaalo u gaar ah oo aan laga war heynin, inkastoo warkaas uu dafiray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in eedeyntaas ay tahay mid aan sax ahayn.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hubka iyo ilaalada ay wataan Mudanayaasha Baarlamaanka uu ka hadlo Guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna hadda ka hor uu hadal digniin ah ka soo saaray Xildhibaanno shirar Baarlamaanka la soo gala Bastoolado, kuwaasi oo uu faray in ay hubka uga soo tagtaan guryaha ay degan yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal loo geystay saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda iyo weliba qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo weliba guryo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia