Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo loo ganaaxay jid gooyo uu sameeyay

Cabirka Farta

Axad, May 04, 2008(HOL): Ciidanka ilaalada Wadooyinka Somaliland ee loo yaqaano taraafiga ayaa shalay  ganaaxay Wasiirka Beeraha Md.Aadan Axmed Cilmi (Dhoola Yare) ka dib markii uu si khalad ah  u gooyey Wadada faras magaalaha ee Caasimada Hargeysa, isagoo wakhtigaa wasiirku watay gaadhi khaas ah oo uu isagu gacantiisa ku waday.

Sida uu qoray Wargeyska Ogaal, Ciidamada wadooyinka oo aan ka fogayn goobtaasi ayaa Wasiirka waxay ku ganaaxeen qadar lacageed oo dhan 21, 000 oo shilinka Somaliland ah una dhiganta ilaa lacag ku dhow $3 Dolar. Isaga wakhtigaa Wasiirku markii la ganaaxay taagnaa agagaarka Hotelka Gar-gaar ee badhtmaha Magaalada, oo uu halkaasi ka iibsanayay qaar ka mid ah jaraa’idka dalka soo baxa, waxaanay Ciidanku sheegeen inuu khalad ka galay sharciga u yaalla wado marista, gaar ahaana qodobkiisa 11aad.

Boon Cabdilaahi Maxamed Siciid oo ka mid ah Ciidamada taraafiga wadooyinka Somaliland ahna taraafigii ganaaxay Wasiirka oo aanu si kadis ah kula kulanay wadada faras magaalaha isagoo wakhtigaa ganaxaayey Wasiirka Beeraha Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolya yare] ayaa waxaanu weydiinay sida ay wax u dhaceen iyo warqada uu wasiirka u goyey waxaanu yidhi “Wasiirku waxa uu ku xad-gudbay qodobka 11aad Xeerka nabadgelyada wadooyinka, run ahaantiina hadaynu nahay reer Somaliland waxaynu dhiganay xeer dhigaya “Sharciga Waa loo siman yahay” ama Wasiir ha ahaado ama Shacab ha ahaado”.

Mar uu ka hadlayey waxa uu ku ganaaxay Wasiirka waxa uu yidhi “ Wasiirka waxaanu u jarnay sadex Juwan oo waxa noo keenta Dawlada Hoose waxaana ku qoran midkiiba 7,000 Shilinka Somaliland, ah oo u dhiganta 21,000 Shilinka SL ah una dhiganta $3, ka dib markii uu jabiyey qawaaniinta wada marista, gaar ahaan qodobka 11aad ee xeerka wada marista Wasiirkuna [Aadan Dhoolayare] wuu aqbalay ganaaxaas, arrintanina waxay muujinaysaa inaanu qofna sharciga ka weynayn oo uu qof walba uu sharcigu hayo”

Intaa kadib waxaanu wax ka weydiinay Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare] oo aanu isaga kula kulanay isla meeshi lagu ganaaxay sida ay wax u dhaceen, iyo waxa lagu ganaxay “Horta Sharciga waa loo siman yahay, anaguna [Wasiirada] ama shaqo ku jir ama caadiba ahow maanta (Shalay) waa fasax, aniga oo si kadis ah Gar-gaar hotiisa jaraa’id uga iibsanayaa, taraafigu waxay ii sheegeen inaan wadadii gooyey, aniguna si wanaagsan ayaan u aqbalay iyaguna way I garanayeen. Markaa waxaan leeyahay Sharciga cidina kama weyna haduu yahay Madaxweyne iyo haduu wasiir yahay, markaa sharcigu wuu naqabanayaa oo cidna kama sareyno waana in loo hogaansamo”

“Anigu askarta iskuma sheego oo ma idhaahdo qofka noocaas ah ayaan ahay ama mansabkaa ayaan hayaa kii igartana ahlan wasahlan, kii kalena waa inuu Waajibkiisa guto, haduu yidhaahdo [Taraafigu] gaadhiga dhinaca dambe fur, leydhka shid amarkiisa waan qaataa, waayo waxa weeyaan maaha inaan shaqadooda hor-joogsado” ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland