Axad, May 04, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay mar kale dib ugu noqdeen magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadan oo watay 10 Gaari ah oo Ural ah ayaa waxay fariisin ka sameysteen Waqooyiga Magaalada Jowhar, gaar ahaan Xaafadda Abshir Cali Guure , halkaasi oo ay dhufeysyo ka qoteen.
Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa shalay gelinkii dambe ilaa waqtigan waxay walaac ka muujinayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo dul-degay, iyagoo ka baqaya in ay dushooda ku dagaallamaan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada Itoobiyaanka.
Waa markii labaad oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah tagaan Magaalada Jowhar tan iyo markii uu meesha ka baxay maamulkii Gobolka Shabeelaha Dhexe oo xaruntiisu ahayd magaalada Jowhar, dhawaan ayayna ahayd markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah tageen magaalada Jowhar, inkastoo ay wax yar kadib isaga soo baxeen halkaas.
Dhanka kalena, Isbitaalka Magaalada Jowhar ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la dhigay afar ruux oo dhaawac ah, kuwaasi oo seddex ka mid ah ay ku soo dhaawacmeen gaari la rogmaday oo ku sii jeeday Gobollada Dhexe, halka qofka kalena uu ahaa Nin ay gudaha magaalada Jowhar ku dhaawaceen kooxo hubeysan oo la sheegay inay doonayeen in ay ka dhacaan lacag iyo taleefoon mobile ah oo uu watay.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Jowhar ayaa haatan waxay tahay mid aan lahayn maamul ay dadka degan ku kala dambeeyaan, waxaana lagu guuleysan waayay dadaal ay wadeen odayaal iyo waxgarad Reer Jowhar ah, kaasi oo la doonayay in Ciidamo madani ah loogu sameeyo Magaalada, si aanu faraha uga bixin ammaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia