Axad, May 04, 2008(HOL): Waxaa soo baxaya kala aragti duwanaasho iyo khilaaf soo kala dhax-galay xubno ka tirsan Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah bilaabeen lacago cashuur ah oo laga qaadayo Gadiidka isaga goosha Gobalada dhexe.
C/raxmaan Cilmi Cabdi Buruki oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii Degmada Beledweyne ee Maamulkii hore ayaa ku eedeyay Xubno uu ka mid yahay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) in ay ku lug lee yihiin lacagta Cashuurta ah ee Ciidamada Itoobiyaanku ka qaadayaan Gadiidka ka gudbaya Deegaanka Kala-beyr oo fariisin u ahaa Ciidamo ka amar qaata C/raxaan Buruki.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan in lacagaha halkaa laga qaado ay si toos ah ugu dhacdo Qasnada maamulka Degmada Feer-feer maadaama uusan jirin ayuu yiri meel u ka taliyo sida uu hadalka u dhigay Yuusuf Dabageed, waxaana uu intaa raaciyay in hadii aysan ka waantoobin Ciidamada Itoobiyaanku arimaha la xiriira lacag qaadista ay dusha u ridan doonaan cawaaqibka arintaa ka dhasha.
Yuusuf Dabageed oo wax laga weydiiyay eedeymaha loo soo jeedinayo ayaa sheegay in lacagta cashuurta ah ee laga qaado gadiidka mara Deegaanka Kala-beyr tahay mid sharci ah islamarkaana wali maamulkiisu yahay mid ka shaqeynaya Gobalka Hiiraan, "Annigu waxaan u aqaan C/raxmaan Buruki Nin ka tirsan Maxkamadaha, waligiina waa uu ka tirsanaa sidaa daraadeed suurta gal ma ahan in Ciidamo uu isaga lee yahay ay ka shaqeeyaan meel ka mid ah Gobalka Hiiraan ayuu sheegay Yuusuf Dabageed oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha ka howl-gala Gobalka.
Khilaafkan oo u muuqda mid siyaasadeed ayaan la ogeyn halka uu salka ku hayo waxaana maalmihii aynu soo dhaafnaba soo baxayay in xubno markii hore ka wada tirsanaa hal maamul hada ay ku kala aragti duwan yihiin is badalka ka dhacay Gobalka Hiiraan, tusaale ahaan qaar ka mid ah xubnihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan oo u badan kuwii Degmada ayaa qaba in bur burka ku dhaca Maamulkii Gobalka uu sabab u yahay Yuusuf Dabageed oo sida ay hadalka u dhigayaan isku wada darsaday awoodii Maamulka, lakiin Yuusuf Dabageed ayaa ku dooda in uu yahay shaqsi ka adag howshiisa shaqo isaga oo ku tilmaamay raga ka soo horjeeda in ay yihiin kuwo ku fashilmaya howlihii loo soo xilsaaray.
Waxaa muuqaneysa in Ciidamada Itoobiyaanku wali gacan buuxda siinayaan Maamulkii hore ee Yuusuf Dabageed, maadaama Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Gudoomiyihii hore ee Gobalka si wada jir ah uga wada howl-galayaan Deegaanka Kala-beyrka oo qiyaastii 35km dhinaca W/bari kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Muran Xoog leh oo ka dhashay lacag canshuur ah oo ay Ciidamada Itoobiya ka qaadayaan Gadiidka Mara Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaan kale oo iska casilay baarlamaanka Soomaaliya
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Isgoyska Towfiid ee Magaalada Muqdisho
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo la faray in ay todobaad gudahiis ku soo diiwaangeliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay heystaan
- MAXAMED DHEERE: “Axmed C/salaan waxba kama khuseyso maamul u sameynta Gobolka Banaadir ee haddii uu maamul sameynayo Dhuusa-mareeb maamul ha u soo sameeyo”
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku noqday Magaalada Jowhar
- Yuusuf Daba-geed oo sheegay in isagoo u eedoobay Gobolka Hiiraan aan la dhihi karin waa lagaa qaaday Xilkii Maamulka Gobolka
- Rag ku labisn Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo qaatay Gaari ay leedahay Idaacadda Somaliweyn
- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo loo ganaaxay jid gooyo uu sameeyay