MAXAMED DHEERE: “Axmed C/salaan waxba kama khuseyso maamul u sameynta Gobolka Banaadir ee haddii uu maamul sameynayo Dhuusa-mareeb maamul ha u soo sameeyo”

Cabirka Farta

Axad, May 04, 2008(HOL): Guddooomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu shalay sii daayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan, kaasi oo ahaa in ay Dowladda Federaalka gacanta ku heyso dhismaha maamullada Gobolka Dalka oo ay ugu horeeyo midka gobolka Banaadir.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Maxamed Dheere-Radio Shabelle

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Axmed C/salaan uusan wax shaqo ah u lahayn maamul u sameynta Gobolka Banaadir, “Axmed C/salaan Madaxweyne ma ahan, Ra’iisal Wasaare ma ahan, Wasiirka arrimaha gudahana ma ahan, mana khuseyso maamul u sameynta gobolka Banaadir ee Wasaaraddiisa haku ekaado”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in haddii uu Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ka hadlayo maamul u sameyn looga baahan yahay in uu maamul sameeyo Magaalada Dhuusa-mareeb oo sida uu yiri uu ka soo jeedo, “Axmed C/salaan waxba kama khuseyso maamul u sameynta Gobolka Banaadir ee haddii uu maamul sameynayo Dhuusa-mareeb maamul ha u soo sameeyo” ayuu yiri Maxamed Dheere.

“Iga gaarsiiya Axmed C/salaan wuxuu ka joogaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir meesha ay ka joogaan Wasiirrada ka soo jeeda Beelaha Daarood, Digil iyo Mirifle iyo Isaaq, wuxuuna ka yimid 1000 Km”ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Sidaasoo ay tahay Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe maamul loogu sameynayo Gobolka Banaadir, kaasi oo uu wado Guddi ay u saartay Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu qorshahaas meel wanaagsan marayo.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uusan wax weyn u arkeynin in laga qaado xilka Maamulka Gobolka Banaadir, horayna looga soo bedelay maamul kale, isagoo dhinaca kalena sheegay in haddii uu qaab doorasho ah ku imaanayo maamulka gobolka Banaadir uu rajo ka qabo in xilkaas loo dooranayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia