Weerar Caawa lagu qaaday Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Ciidamadaas oo madaafiic u qeybiyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa Maqribnimadii Caawa waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed iyo Isbitaalkii Digfeer oo dhamaantood ku yaala Degmada Hodan.

Markii weerarkaas lagu qaaday fariisimada Ciidamada Itoobiyaanka kadib ayaa waxay Ciidamadaas ku jawaabeen  madaafiic ay u qeybiyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan la xaqiijin karin.

Faadumo Cali Ibraahim oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile ayaa sheegtay in madfac xaafaddooda ku dhacay uu sababay in ay afar ruux dhaawacmaan, sidoo kalena Dad aan kala xiriirnay Xaafadda Zone K ee degmada Hodan ayaa sheegay in ay halkaas ku geeriyootay gabar yar, taasi oo uu gurigooda madfac kula dhacay.

Sidoo kalena, Dhowr madfac oo Hoobiye ah ayay Ciidamada Itoobiyaanka ku garaaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo weliba Xaafadda Al-Bakaraha ee Degmada Hodan, hayeeshee ilaa iyo haatan nama soo gaarin wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadibna ay madaafiic ku jawaabaan, iyadoo madaafiicdaasna ay noqdaan kuwo ay waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah oo guryahooda iska jooga.

Ugu dambeyntiina, Dagaalkan ayaa wuxuu dhacayaa iyadoo magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ay saacadaha soo socda ka furmayaan Wada hadallo xal loogu raadinayo Mushkiladda ka taagan Soomaaliya, iyadoo wada hadalladaasna ay yihiin kuwo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia